Header Ads

ads header

Faa'iidooyinka sanjabiisha ee awooda badan

Maanta waxaynu ka hadli doonaa faaiidooyinka geedka caanka ah ee loo yaqaan sinjibiilka ama sinjibiisha, runtii waa geed cajiib ah oo loo isticmaalo daawo ahaan iyo cuno ahaan iyadoo lagu darsado raashinka iyo shaaha labadaba, Hadaba ku soo dhawoow Shabakada CaafimaadTips.com.
Pixabay.com

Geedka sanjabiisha

Waxaynu halkan ku baranaynaa 13 faaiido oo sinjibiilku jidhka bini aadamka u leeyahay isla markaana cilmi ahaan lagu ogaaday hadaba faaiidooyinka geedka sinjibiisha waxaa ka mida.

Faaiidooyinka caafimaad ee Sanjabiisha

Wadnaha : sanjabiishu waxaa lagu daaweeyaa ama loo adeegsadaa in lagaga hortago cudurka wadne xanuunka iyo wadna hawlgabka waxay sanjabiilka iyo toonta iyo basasha ay siyaadiyaan qulqulka dhiiga waxayna la mid tahay daawada asprinka ee la siiyo dadka wadnaha ka xanuunsan waxay kaloo awood siisaa murqaha wadnaha daciifay.

Sanjabiisha iyo uurka : sanjabiisha waa geed daaweed caan ah Sinjibiilka wuxuu alle ku abuuray awood matag iyo lalabo dejin waana sababta haweenka loogula taliyo inay walaca ku xakameeyaan.

Akhriso faaiidooyinka xulbada
Akhriso faaiidooyinka dhagayaraha
Akhriso faaiidooyinka lawska

Sanjabiisha iyo cayilka : sanjabiisha waxay ugu horeysaa geedo daaweedyada cayilka lagu dhimo ama buurnida caloosha yareeya  sidaa awgeed biyaha sanjabiisha waxay taageeraan in qofku caatoobo markii lagu qasto ama lagu darsado cunto caafimaad leh sidoo kale qofku sameeyo jimicsi

Dheefshiid xumada : Waxaa kale oo sanjabiilka loo adeegsadaa dheefsiidka qofka oo xumaada, calool majiirka iyo guud ahaan calool xanuunka iyadoo loo cabo sida sharaabka oo kale waxayna sanjabiishu ka hortagtaa calool fadhiga.

Sanjabiisha iyo galmada : geedka sanjabiisha waxaa loo yaqaanaa geedo daaweedka diiran sidaas wuxuuna hagaajiya wareega dhiiga sidaas darteed daraasadaha qaarkood waxay tilmaameen inuu ka qayb qaadanaayo kacsiga raga isagoo xoojiya hoormoonka raganimada ee loo yaqaano testosterone, intaa ka dib marka laga hadlaayo sanjabiisha iyo kacsiga taas macnaheedu maaha in qofku iska badiyo waayo faaiidada sanjabiisha ee galmada aynu ka hadalnay badelkeeda ayaa iman karta.

Difaaca jirka : Sanjabiishu waxay sare u qaadaa isla markaan firfircooni gelisaa unugyada difaaca jirka bini aadamka iyadoo ka hortagta waxayna la dagaalantaa fayraska sidaas awgeed hargabka iyo wixii la mida daawo ayay u tahay sinjibiishu.

Sanjabiisha iyo gaaska : waxaa jira dad badan oo aamin in sanjabiishu ka mid tahay waxyaabaha gaaska kiciya laakiin waxaa muhiim ah inaad fahantid in sanjabiisha marna qoyan tahay marna qalayl tahay sidaas darteed markay qoyan tahay gaaska ma kiciso.

Jeermis dile : Sinjibiilku wuxuu leeyahay awood jeermiska fangaska loo yaqaan oo badanaa keena caabuqyada maqaarka sidaas awgeed sinjibiilka waxaa la barbardhigay 29 daawo oo jeermis dile ah isla markaana wuxuu sinjibiilku noqday geedka dhammaantood ka awood batay .

Sanjabiisha iyo timaha : sanjabiishu waxay kicisaa ama badisaa qoyaanka timaha taas oo tinta ka caawisa inay korto sidaa darteed fiitamiinada iyo macaadiinta ku jira sanjabiisha darteed waxay  ka qayb qaatan inay timuhu koraan isla markaan sameeyaan isdhexgal taas oo ka hortagaysa in tintu daadato sidoo kale faa'iidooyinka sanjabiisha waxay madaxa ka caawisaa in qoyaankiisa dabiiciga u soo celiso.

Malabka iyo sanjabiisha : waa muhiim in aan tilmaano xidhiidhka ka dhexeeya malabka iyo faa'iidada sanjabiisha run ahaantii ma jiro xidhiidh kale laakiin waa in labadooda hadii mar kaliya la wada isticmaalo ay leeyihiin faaiidooyin caafimaad oo waxtar leh waxaana ka mida kuwan:-

Sanjabiisha iyo malabka oo wada jira waxaa lagu darsan karaa cuntada
Sanjabiisha iyo malabka oo isku qasan waxaa lagu darsan karaa shaaha
sanjabiisha iyo malabka oo isku qasan waxaa la marin karaa timaha
Sanjabiisha iyo malabka oo la isku qasay waxaa u isticmaali kartaa shampoo ahaan
Sanjabiisha iyo malabka oo wada jira waxaa lagu darsan karaa hilibka digaaga
Sanjabiisha iyo malabka oo isku mar la isticmaalo waxaa lagu daaweeyaa hargabka

Waxyaabaha Alle ku manaystay sinjibiilka 

  • Sanjabiisha waa xanuun baabiye waxaana lagu daaweeyaa xanuunada ay neerfuhu keenaan
  • Sanjabiisha waxaa lagu dhimaa miisaanka iyo buurnida xad dhaafka ah
  • Sanjabiisha waxay daaweysaa daalka jidhka iyo guud ahaan murqaha jidhka
  • Sanjabiisha waxay daawo u tahay caajiska mararka qaar la dareemo
  • Sanjabiisha waxay la dagaalantaa ka hortagna u tahay cudurka kansarka
  • Sanjabiishu waxay hagaajisaa wareega dhiiga
  • Sanjabiishu waxay u fiican tahay neefsiga dhuunta
  • Sanjabiisha waxaa lagu daaweeyaa ama ay daawo u tahay xanuunka gaaska
Powered by Blogger.