Baro Sida ugu fudud ee siigaysiga loo joojiyo
![]() |
Photo by Pixabay from Pexels |
Wakhtiga aynu noolnahay waxaa jira dhibaatooyin aad u badan waxaana sababay intooda badan internetka iyo guud ahaan aaladaha digitalka ah oo dhalinyaro badan ka dhigay noloshooda mid aanay mahadin , dhibka aynu ka hadli doonaa waa waxa loo yaqaano siigaysiga waxaa jirta siigaysiga raga iyo siigada dumarka
Siigada iyo siigaysiga
Guud ahaan sharciga islaamku wuxuu qabaa in shahwada uu qofku ku gudan karo xaaskiisa ama lamaanihiisa laakiin ma banaana in qofka uu biyahiisa uu gacantiisa ama gacanteeda isaga keento taasi waa xaaraan waana in layska ilaaliyo ficilka noocaas ah, sidaas darteed waxyaabaha muhiimka ah ee lagaa rabo inaad xasuusnaatid waa siigada iyo dhalmada waayo hadii aad mustaqbal wanaagsan damacsan tah waa inaad joojisaa.
Maxaa sababa siigaysiga
Ugu horeyn waxaa sababtay inuu iimaankaaga daciifay sidoo kale noloshaada aanad ka lahayn rajo wanaagsan oo mustaqbal leh taasi waa mida koowaad ee sababta arinta labaad waa daawashada sawirada jinsiga ku saabsan iyo muuqaalada sinada ah ee ay gaaladu duubaan kuwaas oo internetka la soo galiyo halkaasna lagu baabiiyo nolosha dhalinyaro badan, laakiin inta badan raga ayaa laga hadlaa balse waxaa iyaduna muhiim ah wakhtigan in laga hadlo siigada gabdhaha waayo dhibaatadu way sii daba dheeraan hadii la aamuso.Akhriso cuntooyinka baahida galmada kordhiya
Akhriso Sida ugu fudud ee uur loo qaado
Dhibaatooyinka siigada
Qofka caadaysta siigaysiga ama siigada badan waxaa ku dhaca xaalado caafimaad oo aan wanaagsanayn siigada dumarka iyo raga waxaa dhici karta inuu qofku markuu xaaskiisa la galmoonaayo uu arko in biyaha markiiba biyihiisu dabada u soo daataan taasina waa arin aan fiicnayn laakiin u baahan inaad hada ka digtoonaato sidoo kale waxaa dhici karta in qofku hadhawtoole u hamoon waayo lamaanihiisa halkaasina ay ka soo cusboonaato mushkilad kale, sidaas oo ay tahay hadii mid ka mida lamaanaha uu siigaysto waxaa iyaduna imanaysa in siigada iyo uurka suaalo la iska waydiiyo tusaale hadii ninku sameeyo siigada guska wuxuu luminaayaa noloshiisa iyo mustaqbalkiisa hadii gabadhuna siigada siilka samayso sidoo kale waxay meesha ka saaraysaa fursadii iyo jaaniskii ay uur ku qaadi lahayd sidaas awgeed diinta islaamka ee wanaagsan way xaaraantimeysay siigada gacanta iyo nooc kasta oo qofku u samayn karo , sida inuu qofku sameeyo siigada kintirka ama inuu ninku guskiisa salaaxo.
Sidee looga fogaadaa siigaysiga
intaynaan ka hadal sida loo joojiyo siigaysiga waxaa haboon in laga hadlo sida looga hortago siigada waayo hadiiba ay calaamadaha siigaysiga kaa soo muuqdaan caafimaad ahaan taasi waa qoomamo iyo ciil, sidaas darteed halkan waxaan ku siinaynaa talo fiican hadii aad raacdo waad iska dayn doontaa caadada siigaysiga ee aadka u xun.
Sida siigada loo joojiyo
Iska ilaali daawashada filimada xunxun iyo muuqaalada aan wanaagsanayn ee markaad daawato dareenkaaga kicinaaya kuwaasi waa kuwa ugu horeeye ee dhibaatadan aad kaga badbaadayso sidoo kale indhahaaga ka ilaali wax kasta oo dareenkaaga kicinaaya , iskana ilaali inaad kaligaa aad noqoto oo naftaada kaliyaysato badanaa la joog asxaabtaada ama ehelkaaga ama isku mashquuli waxbarasho iyo shaqo . sidaas ayaa ah sida loo joojiyo siigada ee saxda ah.