Header Ads

ads header

Cuntooyinka baahida galmada kordhiya

Cuntooyinka kacsiga badiya | maanta waxaynu ka hadli doonaa suaal soo noqnoqata taas oo ah waa kuwee cuntooyinka u wanaagsan galmada kuwaas oo kordhiya awooda galmada ama baahida galmada .
cuntooyinka galmada u fiican,cuntooyinka kordhiya galmada,cuntooyinka indhaha u fiican,cuntooyinka raganimada,cuntooyinka u fiican galmada,cuntooyinka kacsiga badiya,cuntooyinka kacsiga kordhiya,cuntooyinka kacsiga badan,cuntooyinka kacsiga keena,cuntooyinka raganimada
Photo by NEOSiAM 2020 from Pexels

Cuntooyinka kordhiya galmada ama keenaaya inaad u baahato galmo waa kuwa nafaqada leh waxaana qormadan ku qoran Shabakada Caafimaadtips.com kaga hadli doonaa mawduucaas aynu tilmaamnay.



Cuntooyinka galmada 

Cuntooyinka kordhinaaya awooda galmada dhammaantood waa kuwoo dabiici ah oo aan ahayn kuwa la soo baceeyo ama la soo warshadeeyo hadaba iska ilaali cuntooyinka warshadaysan .

Shaaha leh sanjabiisha

Sanjabiilka shaaha laga sameeyo wuxuu haystaa awood u weyn oo taasoo kordhinaysa awooda jinsiyeed ee bini aadamka, run ahaantiina waa shaah aad si fudud u samaysan karto meel kastana waad ka helaysaa markaa ku dadaal shaahaas.

Ukunta ama beedka
Beedka ama ukunta waxaa ku jirta isagana awood aad u weyn oo kordhinaysa rabitaanka jinsiyeed ee lamaanaha waxaana ku badan nafaqada uu u baahan yahay dareenku.

👉🏿 Akhriso Faaiidooyinka cajiibka ah ee malabka
👉🏿 Faaiidooyinka laga helo bunka ( kafeega )
👉🏿 Faaiidooyinka laga helo Sanjabiisha


Lawska
Lawsku waa midka ugu badan ee ay ka buuxaan vitamins aad u sareeya waana midka lagula taliyo dadka intooda badan inay isticmaalaan dadka u awoodooda galmada ay hoosayso hadana lawska waxaad ka heli kartaa meelkasta oo aad joogto markaa isagana waa muhiim in lagu dadaalo.


Avacado

Waxaa nasiib badan dhulalka uu ka baxo avakaadhaha sababtoo ah waxaa ka buuxa macaadiin u wanaagsan jidhka aadanaha iyo caafimaadka guud sidoo kale waxaa lagula taliyaa dadka raba inay awoodooda galmada kor u qaadaan inay cunaan avakaadhaha iyagoon biyo badan ku darayn.

Figs

Figs waa geed caan ku ah kobcinta iyo kor u qaadida awooda galmada waxaana laysku waafaqsan yahay in uu wax weyn ka taro caafimaadka rabitaanka galmada  markaa waa inaad isticmaashaa midhaha figs ka.

Strawbery

Waxay xaqiijiyeen culimada caafimaadku in midhahan oo luuqada ingiriiska lagu yidhaahdo strawbery inuu caan ku yahay uuna kordhiyo xawada iyo shahwada raga sidoo kale wuu ka qayb qaataa kobcinta awooda galmada ee lamaanaha.

Timirta

Sida saxda ah timirtu waa midhaha awooda u soo celiya bini aadamka waana midho hadii aad cunto aad isku arki doonto baahi dheeraad ah oo kugu soo korodha markaynu ka hadlayno baahida galmada, hadaba ka faaiidayso macaanka dabiiciga ah  iyo caafimaadka ku jira timirta

FG: Midhaha figska waa midha uu illaahay ku dhaartay ee tiinka, mana aha midha dalkeena ka baxa ee qodxaha leh ee loo yaqaano tiinka
Powered by Blogger.