Cuntooyinka caafimaadka indhaha u wanaagsan
![]() |
Cuntooyinka u fiican caafimaadka indhaha |
Shabakada wehesho waxay halkan kuugu soo gudbinaysaa cuntooyin u fiican caafimaadka iyo ilaalinta indhaha cuntooyinkan waa kuwoo aad meel kasta ka heli karto.
Qormooyin xiiso badan
Akhriso cuntooyinka baahida galmada kordhiya
Akhriso Sida ugu fudud ee uur loo qaado
Akhriso Faaiidooyinka saliid macsarada
Kaarooga
Kaaroogu wuxuu ugu horeeya isla markaana uu caan ku yahay caafimaadka indhaha iyo ilaalintooda sidaas daraadeed dadka indhaha ka cabanaayaa waxaa lagula taliyaa inay isticmaalaan kaarooga ama dabacasaha waa hadaba sidaad u taqaano.
Filfisha cagaaran
iyadana waxaa cilmi baadhis lagu ogaaday inay faaiido weyn u leedahay indhaha waxaana lagula taliyaa dadka iyaguna indhaha ka cabanaayaa inay isticmaalaan filfisha cagaaran.
Hilibka digaaga
Run ahaantii hilibka digaaga waxaa lagu tiriyaa inuu ku jiro cuntooyinka caafimaadka inoo leh gaar ahaan cuntooyinka nafaqada jidhka sidaas daraadeed ayay culimada caafimaadka indhaha waxay cilmi baadhis ku sheegeen in hilibka digaagu caafimaadka indhaha u wanaagsan yahay
Koostada
Koostada waxay hada isticmaalkeedu ku soo badanaysaa dalkeena hooyo ama deegaanada soomaalida iyadoo caafimaadkeeda lagu sheegay inay ka mid tahay cuntooyinka indhaha aragtidooda u wanaagsan.
Baradha macaan
Baradha macaan waxaa ku jira maadooyin xambaarsan vitamins kuwaas oo indhaha caafimaadkooda wax weyn ka tara isla markaana waxa dadka indhaha ka cabanaayaa lagula taliyaa inay cunaan baradhada macaan.
Kaluunka
Maaha kaluunka ama malayga oo dhan laakiin waa nooca loo yaqaan sardiinka waxaana laga helaa dalkeena hooyo xeebtiisa waxaana la sheegay inuu caafimaadka indhaha u wanaagsan yahay
Fiiro gaar ah: Waxaa xusid mudan inaad indhahaaga ka ilaaliso wax kasta oo dhibaato u keeni kara isla markaana wixii Alle ku faray uun aad ku eegto illaahayna aad caafimaad waydiisato.