Header Ads

ads header

Faaiidooyinka caafimaad ee saliid macsarada

Saliida macsarada iyo faaiidooyinkeeda caafimaad maqaal ka hadlaaya faaiidooyin saliid macsarada ee cajiibka ah
Faaiidooyinka caafimaad ee saliida macsarada laga helo

Macsaradu waa saliid cajiib ah oo caafimaadkeena faaiidooyin fara badan u leh waana saliid dalkeena laga helo oo wadani ah waxaana wadankeena laga isticmaali jiray mudo aad u fog balse dalalka kala ah hindiya iyo china ayaa iyaguna kumanaan sano ka hor u isticmaali jiray inay ku daaweeyaan cuduro badan, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa Queen of oils oo macnaheedu yahay boqoradii saliidaha oo dhan.

Faaiidooyinka saliid macsarada


1- Macsaradu waxay oogada ka ilaalisaa ilays iyo kulaylka qoraxda

2- Macsaradu waxay nafaqo u tahay koriinka timaha wayna bixisaa

3- Macsaradu waa saliid cuntada loo isticmaalo oo ugdoon

4- Macsaradu waxay ka hor tagtaa cudurka kansarka

5- Macsarada waxaa ku jira ugu yaraan 7 maado oo xanuun baabiye ah

6- Macsaradu waxay daawo u tahay Murugada , Diiqada iyo isku buuqa

Qormooyin kale oo xiiso badan

° Akhriso faaiidooyinka Sanjabiisha
° Akhriso sida ugu fudud ee uur loo qaado
° Akhriso faaiidooyinka caafimaad ee malabka


7- Macsaradu waxay daawo u tahay cudurada ku dhaca afka

8- Macsaradu waxay dajisaa kalastaroolka kacsan

9- Macsaradu waxay daawo u tahay oo jilcisaa calool adayga iyo saxarada adkaata

10- Macsarada waxaa ku jira dufan kordhiya xifdinta iyo xasuusta

11- Macasarada waxay daawo u tahay babaasiirta qofkii joogteeya babaasiir iskuma arkaayo

12- Macsarada waxay daawo u tahay xanuunka caadada dumarka waxaana la mariyaa qaybta ka hoosaysa xundhurta .

13- Macsarada waxaa lagu daaweeya furuuruca ay keento xafaayada caruurta loo xidho

14- Macsarada waxay daawo u tahay madax xanuunka
Powered by Blogger.