Faaiidooyinka Qubayska biyaha qabow
![]() |
Faaiidooyinka qubayska biyaha qabow |
Faaiidooyinka qubayska
Markaad ku qubaysanayso biyo qabow ama ku maydhanayso taasi waxay caawinaysaa caafimaadkaaga jidheed iyo midka nololeed ee rasmiga ah hadaba halkan waxay shabakada wehesho kuugu soo gudbinaysaa faaiidooyinka cajiibka ah ee laga helo qubayska biyaha qabow hadaba biyaha aynu ka hadlayno waa kuwa qabowga meel dhaxaadka ah balse aan ahayn qobow daran.
Subaxdii Qubayso
Sida runta ah hadii aad caafimaadkaaga hagaajintiisa rabto waxaa haboon inaad toosto arooryada hore sidaas oo ay tahayna inta aanad Shaah ama Qaxwe aanad cabin waxaa fiican inaad qubaysato waliba ku qubaysato biyo qabow balse maaha kuwa talaagada ku jira ee waa biyo qabow uun.
➤ Akhriso faaiidooyinka cambaha
➤ Akhriso faaiidooyinka Aayad kursiga
➤ Akhriso Faaiidooyinka saliid macsarada
➤ Akhriso faaiidooyinka muuska
Miisaanka waa lagu dhimaa
Hadii aad ka cabanayso miisaan xad dhaaf ah ee ay sababaan waxyaabaha qaar sida murugada iyo soojeedka habeenkii waxaa wanaagsan inaad biyo qabow ku qubaysato sababtoo waxay kaa caawinayaan inaad hoos u dhigto miisaanka xad dhaafka ah sidoo kale xaydha caloosha way yareeyaan.
Wareega dhiiga
Biyaha qabow waxay kiciyaan oo hagaajiyaan nidaamka socodka dhiiga kaas oo ka caawinaaya jidhka inuu si sax ah oo wax ku ool ah dibada isaga soo saaro qashinka tani waxay sidoo kale bixisaa dhiiragelin soo dhawayn ah oo ku aadan difaaca jidhka iyo caafimaadka wadnaha.
— Shabakada Wehesho (@Wehesho) April 17, 2018
Caafimaadka maqaarka
Biyaha qabow waxay leeyihiin karti ay kaga hortegi karaan waxyaabaha dhaawici kara maqaarka taas macnaheedu waa in maqaarku uu soo daynaayo saliida dabiiciga ah ee jidhku dibada u soo saaro iyo dhidid ku fulin oo caafimaad leh.
Caafimaadka Timaha
Biyaha qobow sidoo kale waxay timaha ka ilaaliyaan inay daataan iyo inuu soo gaadho dhaawac si guud u saameeya waxaana biyaha qabow oo lagu qubaysto timaha siiyaan awood dheeri oo degdega oo timaha madaxa ay ku badanaayan kuna koraayaan.