Header Ads

ads header

Isqurxinta Dabiiciga ah iyo sida saxda ah ee jidhka loo qurxiyo

Qurxinta jidhka

Quruxdu waa muuqaal hibo ah oo alle uu uunkiisa siiyo haba loo kala badnaadee laakiin inagu mid aynu kaga hadlayno Shabakada Wehesho.com maaha inaan abuurayno qurux taasi waa maya sababtoo ah Hor iyo horaanba Alle wuu ku siiyay muuqaalkii ugu quruxda badnaa laakiin waxaad u baahan tahay inaad ku qanacsanaato kuna mahadiso noloshaada iyo muuqaalkaaga.

Sida jidhka loo qurxiyo

Haa dabcan waxaynu ka hadlaynaa sida loo qurxiyo jidhka alle ku siiyay oo looga ilaaliyo dayacnaanta iyo dhibaatooyinka soo gaadhi kara hadaba qorayaasha Shabakada Wehesho.com waxay halkan kuugu soo gudbinaayaan sida loo qurxiyo jidhka adigoo raaci doona talaabooyinkan soo socda.

Biyaha badan cab

Si aad jidhkaaga u qurxiso cab biyo aad u badan si aad uga ilaaliso jidhkaaga qalaylka dhibaatada u keeni kara isla markaana qoyaan badan jidhkaagu u helo .

Nadiifi jidhkaaga

Sida caadiga ah waxaa wanaagsan inaad maalin kasta jidhkaaga nadiifiso mar ama laba jeer waayo waxay kaa caawinaysaa in jidhkaagu quruxsanaato oo iftiimo oo dhalaalo.

Nuxurka ha ka qaadin jidhka

Si xad dhaaf ah ama inta inta badan ee noloshaada ha u isticmaalin waxyaabaha jidhka lagu nadiifiyo ee la soo warshadeeyey sida iskaraabka, waa kariimka ciida leh iyo kuwa la midka ah waayo waxay kaa qaadi karaan shacnigii illaahay kuu dhaliyay hadaba ka digtoonoow waxyaabaha warshadaysan.

Saabuunta iyo wajiga

Iska ilaali oo ka hor tag isticmaalka hana isticmaalin saabuunaha kiimikada ah ee wajiga lagu dhaqdo ama lagu nadiifiyo sababtoo ah waxaa dhici karta inaad la kulanto dhibaato kugu soo degdegtana hubi inaad elerji ku leedahay saabuunaha qaarkood.

Jimicso
Waad wanaagsan tahay hadii aad jimicsi samayso caafimaadkaaguna wuu wanaagsan yahay sida badan laakiin hadii aanad jimicsan way yaraanaysaa fursada aad ku heli lahayd jidh qurux badan.

Hurdo kugu filan seexo

Sida khubarada caafimaadku tilmaameen qofka waxaa laga rabaa inuu hurdo caafimaad leh seexdo sidaas awgeedna waa inaad ku dadaashaa inaad seexato hurdo kugu filan " Ugu yaraan iyo ugu badnaan waxaa kugu filan 6 Saacadood ilaa 8 Saacadood oo hurdo ah.

» Akhriso cuntooyinka galmada u roon
» Akhriso Sida ugu fudud ee uur loo qaado
»  Akhriso dariiqooyin nolol wanaagsan lagu helo

Jooji murugada

Walaal arinta murugada marka laga hadlaayo waxay shabakada Wehesho.com ku leedahay naftaada qaaliga ah ka ilaali waxyaabaha murugada kugu keenayaa oo isku day inaad xaliso murugada ku haysata hadii aysan ku haysana iska ilaali waayo murugada ayaa dilaa ah markaa illaahay ka magan gal murugo walbahaar iyo istarees intaba , midna ogsoonoow aduunyada wax kasta oo ku murug galiya sow ma ogid inaad ka tagayso oo uusan ku raacayn hadaba maxaad uga murugoonaysaa waayo waad gudbaysaa oo aakhira kuuma raacayaan, hadaba si aad u ilaaliso quruxda jidhkaaga waa inaad ka fogaataa murugada iyo istareeska.

Sigaarka jooji

Sigaarku wuxuu u daran yahay halisna ku hayaa caafimaadka bini aadamka taasina waa sababta loogu qoro baakeetka sigaarka " Tubaakadu caafimaadka ayay aad u waxyeelaysaa "  hadaba si aad u hesho jidh qurux badan oo caafimaad qaba iska daa sigaarka hadii aanad cabina ka fogow waa cudure.

Cunto caafimaad leh cun

Isku day inaad cunto cuntooyinka caafimaadka leh ee dabiiciga ah cuntooyinkaas joogtee oo wakhtiga cuntadaada ka dhigo cuntooyinka dhulka ka baxa sida midhaha digirta harakooga galayda iyo hilibka kaluunka iyo midka digaaga.
Powered by Blogger.