Maxaad ka ogtahay faaiidooyinka socodka
![]() |
Photo by Clem Onojeghuo from Pexels |
Socodku wuxuu aad u muuqan karaa markaad soconayso wuxuu sidoo kale u muuqan karaa mid aad u fudud balse markaynu ka hadlayno socodka waa wax aad u weyn marka uu leeyahay barnaamij ku saabsan miisaan dhimista.
Faaiidooyinka caafimaad ee socodka
Hada intaynaan u sii guda gelin maqaalkan waxaynu aynu iswaydiino faaiidooyinka caafimaad ee socodku inoo leeyahay waxaase shabakada wehesho kuu soo gudbinaysaa caafimaadka socodka iyo waxtarkiisa.
Waa dabeecad wanaagsan oo aad samayn karto
Caadooyinka caafimaadka leh waa waxyaabaha dadka laga rabo inay ku sii dhiiradaan raacitaankoodana ay muhiim tahay inaan ka hadalno sidaas daraadeed socodku waa caadi caafimaad ama caado oo aynu samayno maalin kasta iyo meel kasta, isku day inaad socoto 30ka cisho ee bisha ka dibna u fiirso sida noloshaada caafimaadkeedu isugu bedelo si cajiib ah.
Maskaxda
Socodku wuxuu leeyahay faaiidooyin maskaxeed oo ballaaran oo waxaa ka mida horumarinta dareemayaasha xusuusta, Xakamaynta garashada iyo xataa wax qabad tacliineed.
Jidhka
Faaiidada ugu weyn ee la socota socodka waa inuu qofku xaqiijinaayo qaabka jidhkiisa macnaha inuu hagaajiyo qaab dhismeedka jidhkiisa taasina waxaa keenaya markaad soconayso waxaa isu dheeli tirmaaya lafta dhabarka iyo lafaha misigta sidaasna waxaa ku toosi doona qaab dhismeedka guud ee jidhkaaga.
Dufanka
Socodka wanaagsan ee qorshaha loo sameeyey lana joogteeyo wuxuu ridaa oo meesha ka saaraa baruurta xad dhaafka ee jidhka saaran taasi oo aad ugu fiican qofkasta oo raadinaaya miisaan dhimista jidhkiisa.
Warwarka
Markaad soconayso gaar ahaan lugaynayso meel hawo wanaagsan leh aan lahayn urta iyo qiiqa baabuurta ama warshadaha meel ka fog jawiguna wanaagsan yahay waxaad wakhtigaas yaraynaysaa waxa loo yaqaan stresska ama warwarka, sidaasina waa hab weyn oo lagu xakamayn karo hadii aad dareentid cadaadis nolosha ah.
➤ Akhriso faaiidooyinka qubayska biyaha qabow
➤ Akhriso faaiidooyinka caafimaad ee muuska
➤ Akhriso astaamo sheegaya inaad faraxsan tahay
Difaaca jidhka
Inaad socoto maalin kasta 30 daqiiqo oo kaliya ayaa wanaajinaaya unugyada difaaca ee jidhkaaga, daraasado la sameeyey oo lagu sameeyey socodka gaar ahaan dumarka ayaa muujisay inuu sare u qaado socodku difaaca jidhka .
Dadka gabowga ah
Dad badan oo waayeel ah oo caafimaad darro badan ay haysatay ayaa la ogaaday in markii ay socodka bilaabeen ay hagaagtay noloshooda caafimaad hadaba awoowgaa iyo ayeeyadaa u kaxee socod oo adigoo la socda la lugee , xaqiiqdii waa hubaal inay jeclaysan doonaan socodka 😍
Aqoon korosi
Awoowayaasheenii waxay ahaayeen dad reer guuraa ah iyo dad aqoon raadis ah labadaba sidaa awgeed meelo badna oo dhulka ka mida ayay u lugayn jireen si ay wax uga soo bartaan laakiin inagu hal magaalo ayaynu dhex lugaynaa inagoo socodka laasimayna si aynu aqoon kororsi uga helno waa inaan socodkeena ku darsanaa hadafka ah aqoon kororsi.