Header Ads

ads header

Sida ugu fudud ee uur loo qaado

Sida ugu fudud ee uur loo qaado
Qormadan waxaan ugu talo galnay qoysaska gaar ahaan haweenka raba inay uur qaadaan sidaas daraadeed ayay shabakada wehesho.com kuugu soo gudbinaysaa qodobo kaa caawinaaya inaad si degdega u qaado uur isla markaana hooyo u noqoto mudo yar ka dib.

Sida ugu fudud ee uurka loo qaado

Ogsoonoow uur qaadis inay tahay wax uu illaahay oo kaliya uu bixiyo markaa waa inaad illaahay ku xidhnaataa kuna kalsoonaataa wixii uu kuu qadaray, waxaan kugula talinaynaa inaad ka dheeraato murugada timaada markaad wixii aad u baahnayd waydo sababtoo ah noloshu maaha hubaal oo wixii aad heshay iyo wixii aad wayday labadaba waad ka dhimanaysaa markaa yaysan warwar kugu haynin aduunyadan waa meel laysku imtixaamaayee.

Cab biyo badan


Sida caadiga ah qofkasta oo inaga mid ah wuxuu ogsoonyahay in biyuhu caafimaad u leeyihiin jidhkeena!! jidhkaagu wuxuu u baahan yahay biyo badan si uu si sax ah u shaqeeyo hadaba isku day inaad arintaas jidhkaaga ka caawiso si aad u qaado uur idanka alle oo hubi inaad 8 ilaa 9 galaas oo biyo ah aad cabto maalintii si ay si fiican u shaqeeyaan unugyada qaabilsan arintan.

Cun cunto caafimaad leh


Inaan cunto cuno waa wax wanaagsan laakiin cuntada caafimaadka leh waa mid baryahan layska indho tiray ha ka mid noqon dadka garan waayay cuntada caafimaadka leh sidaas awgeed ku darso liiskaaga cuntada raashinka caafimaadka leh si unugyada jidhkaaga ee uurka diyaarka u ah ay si fiican caafimaad leh u shaqeeyaan , cuntooyinka caafimaadka leh ee uur qaadiska u wanaagsan waxaa ka mida oo ay shabakada wehesho.com kugula talinaysaa inaad cunto sida Avacado, Lawska, Qumbaha iyo saliid saytuunka.

 Dariiqooyinka lagu hanto nolol wanaagsan
 50 Kalmadood oo caruurta noloshooda bedela
 Sida saxda ah ee burushka ilkaha loo adeegsado
 Maxaa farxadaada markasta dhaawaca
 Ma rabtaa hurdo raaxo leh fadlan samee arimahan

Habkaaga socodka

Isticmaal app kaa caawinaayaa arintan laakiin ha isku halayn hadaba markaad socoto fiiri xaga sare ama meelaha sharaxaada appka sida calaamadaha tilmaamayaa intaad socotay ka dibna hubi niyadaadu sida ay tahay iyo isbedelka caafimaad ee aad dareentay ka dib markaad socotay, ka dib mudee oo mudayso wakhtiga aad galmada samaynayso adigoo ku beegaaya xiliyada ugxaantaadu diyaarka tahay , miyaad garanaysaa waxyar oo xanuuna oo calooshaada aad ka dareemaysid taasi waa ugxaanta is diyaarinaysa hadaba la soco jidhkaaga.

Ka hor uurka qaado

Hadii aanad hore u qaadin uur isla markaana aad ka shakisan tahay in jidhkaagu uusan diyaar u ahayn uur qaadista fadlan qaado daawada loo yaqaan Prenatals Vitamins, waxaa ku jira faaiidooyin aad u waaweyn jidhkaaguna wuxuu isticmaali doona vitaminska.

Samee ficiladan

Isticmaal waxyaabaha loogu talo galay inay kordhiyaan xawada ama ugxaanta hadii aanad uur qaadin, Sidoo kale samee dabaal yacni inaad usbuucii dhawr mar dabaalato, niyadaaduna ha dhisnaato iskana ilaali warwarka iyo guud ahaan istareeska.


Mar kale xasuusnoow : Alle wuxuu yidhi qofkii aan doono waxaan siiyaa gabdho, qofkii aan doonana waxaan siiyaa wiilal , qofkii aan doono waan isugu daraa , qofkii aan doonana ma siiyo

Markaa ku kalsoonoow Qadarka Alle waayo illaahay ayuun baa ku siin kara awlaad


Powered by Blogger.