Header Ads

ads header

Wax ka baro Faaiidooyinka iyo Mucjisooyinka biyaha

inta koob ee biyaha maalintii la cabo shabakada wehesho
Mucjisooyinka layaabka badan ee biyaha ku jira caafimaadkooda
Biyaha iyo noloshu waa kuwoo aan kala maarmin sababtoo ah Alle weyne wuxuu nolosha ka yeelay shay kasta mid xidhiidh la leh biyo waana halka ay ku qotonto xikmada tidhaahda noloshu waa biyo biyuhuna waa nolosha.

Alle weyne isagoo ugu mano sheeganaaya iinsaanka biyaha raxmada ah ee uu siiyay wuxuu quraanka kariimka ah ku yidhi :- 

وَأَنزَلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً بِقَدَرٍ فَأَسْكَنَّاهُ فِي الْأَرْضِ ۖ وَإِنَّا عَلَىٰ ذَهَابٍ بِهِ لَقَادِرُونَ - 23:18 Waxaan ka soo dejinay samada biyo qiyaasan, waxaan dejinay dhulka inaan la tagnana waan karnaa _ Suuratul Nuux aayada 18aad.

Cab biyo kugu filan

Markaad cabto biyo kugu filan jidhkaaga wuxuu la kulmi doonaa mucjisooyin aanad malaysan karin kuwaas oo markiiba jidhkaagu isbedel samaynaayo taasina waa xikmad illaahay.

Mucjisooyinka biyaha 

• Waxay kaa kaxaynaayaan madax xanuunka
• Waxay kuu hagaajinayaan niyadaada
• Waxay yareeyaan daalka 
• Waxay dibada u saaraan sunta
• Waxay hagaajiyaan dheefsiidhka
• Miisaanka saaidka ah way dhimaan
• Waxay ka hortagaan dhagxaha kalyaha ku samaysma
• Waxay xoojiyaan difaaca jidhka
• Waxay qurxiyaan jidhka 
• waxay jidhka ka ilaaliyaan jajabka
• waxay yareeyaan xanuunka laga dareemo dhabarka
• Waxay xakameeyaan heerkulka jidhka
• Ugu dambeyntii waxay biiyaan haraadka

Sida lagu ogaado inaad biyo rabto

Baahida aad u qabto inaad biyo cabto malaha wakhti go'an balse hada sida aad u haraadan tahay ayuun baad ugu baahan kartaa biyaha, waxaa kale oo jirta inaad dareento haraad markaad aragto biyo meel yaala ama biyo qof uu koob ku soo shubay oo uu adiga kuu keeno taasina ay dhaliso inaad cabto biyaha.

ilaa hada waxa jira talooyin caafimaad oo tiro badan oo kuu sheegaay inaad maalintii u baahan tahay inaad cabto biyo badan halka qaar kale ay kuu sheegayaan biyo badan oo aad cabtaa ay caafimaadka wax yeelayso laakiin adigu markaad haraadan tahay ee aad biyo cabto taasi maaha mid caafimaadka wax yeelaysa ee ha shakiyin.


» Akhriso cuntooyinka galmada u roon
» Akhriso faaiidada sanjabiilka
» Akhriso sida jidhka loo qurxiyo
» Akhriso Sida facebook loo ilaashado

Imisaa koob oo biyo ah ayaan cabaa


Waxaa jirta xisaabin aad u fudud oo la xidhiidha hadba inta miisaankaagu yahay iyo inta biyo ah ee jidhkaagu dibada isaga saaro inaad xisaabiso ka dibna aad cabto biyo kugu filan .

• Qiyaastii 1.5 litir ayaa jidhkaaga kaga baxa kelyaha

• 300 - 700 ml waa dhidid
• 400 ml waa inta lagu jiro neefsashada
• Qiyaastii 200 oo ay isticmaalayaan mindhicirada

Hagaag sidaas aynu sheegnay waynu garanay laakiin wali waxaynaan meel isla dhigin inta koob ee biyo ah ee lay nooga baahan yahay inaad cabno maalin kasta sidaas awgeed waxay shabakada wehesho.com idinkula talinaayaan inaad tusmada hoose si sax ah u raacdaan.
• 4 koob oo biyo ah cab markaad ka soo toosto subaxdii hurdada
• 1 koob oo biyo ah cab inta aanad wax cunin, waxay caawinaysaa dheefsiidkaaga
• 1 koob oo biyo ah cab hal saac markay ka soo wareegto cuntada ka dib Fadlan ha cabin biyaha xiliga aad wax cunayso iyadoo xaalad degdega kugu timaado mooyaane
• 1 koob oo biyo ah cab ka hor inta aadan maydhan tani waxay u wanaagsan tahay oo ka hortag u tahay dhiig karka.• 1 koob oo biyo ah cab ka hor inta aadan seexan  tani waxay ka hor tag u tahay garaaca wadnaha ku imaada xiliyada qaar sidoo kale neerfayaashaada ayaa nasan doona.
Powered by Blogger.