Header Ads

ads header

Faaiidooyinka Haylka -Health benefits of Cardamom

xawaashka shaaha hayl dhagoolaha haylka spice
Haylka xawaashka shaaha cuntada - caafimaad tips

Haylku waa mid ka mid geedo daaweedyada jidhka aadanaha caafimaad siiya sidoo kalena Haylka waa mid ka mida xawaashyada dunida mudo dheer laga soo isticmaali jiray ilaa maantana waa la isticmaalayaa, in kastoo qiimihii qaali yahay meelaha qaar, sidaas darteed maanta waxaan halkan kuugu soo gudbinaayaa faaiidooyinka caafimaad iyo waxtarka haylka .

Dheefshiidka : Haylka wuxuu wanaajiyaa dheefshiida ,oo wuxuu caawiyaa shaqada dheefshiidka waayo wuxuu kiciyaa dheecanada ku shaqada leh dheefshiidka

Wadnaha : haylka wuxuu ka hor tagaa wadne qabadka iyo cudurka faaliga sababtoo ah haylka wuxuu qani ku yahay maadooyin sun saarayaal ah oo dabiici ah, sidaas darteed wuxuu hagaajiyaa xididida dhiiga isagoo ka hor tagaayaa kalastaroolka


Infakshanka : Haylka wuxuu la dagaalamaa bakteeriyada iyo waliba infakshanka maxaa yeelay haylka wuxuu alle weyne ku abuuray awood uu ku dilaayo bakteeriyada iyo infakshanada.

Afka : Haylka wuxuu u wanaajiyaa caafimaadka afka, waxaana la yidhaahda qofka caafimaadkiisa afka ayaa sheega heerka caafimaadkiisa guud, sidaas darteed in qofku uu ku dadaalo nadaafada afkiisa maaha arin adag oo qofku maalintii wuxuu qaadan karaa 4 xabo oo hayl ah isagoo ku qaadanayaa jeebkiisa ama boorsadiisa.

Akhriso waxtarka lawska

Akhriso waxtarka rummaanka 

Akhriso waxtarka qaraha ama xabxabka

Dhiig karka  haylka wuxuu hoos u dhigaa dhiig karka,hadaba waxaa jira waxyaabo badan oo loo isticmaali karo haylka sidaas darteed cilmi baadhisyo badan oo la sameeyay waxay tilmaameen in haylku wax weyn ka taro hoos u dhigida dhiig karka.

Macaanka Sidoo kale haylka wuxuu ka hortag u yahay isla markaana uu wax taraa cudurka macaanka .

Aabateetka dhinaca kale haylka wuxuu xoojiyaa aabateedka cuntada, sababtoo ah midhahan udgoon waxaa aabateed la'aanta lagu daaweynaayay qarniyo khaasatan qofka jiran ee aabateed la'aantu hayso waxaa loogu dari jiray cuntada si uu u ladnaado waxna u cuno.

Raganimada geesta kalena haylka wuxuu kobciyaa awooda raganimada maxaa yeelay waxaa ku jirta maado la yidhaahdo seniyol (Cineole ) oo u wanaagsan galmada

Da'da Haylka cimriga ayuu dheereeyaa , Allah weyne swt ayaa haya cimri dheerida waxaana mudan inuu qofku Allah swt uu waydiisto cimri barako leh, sidaas darteedna waxaa jira cuntooyin ka hortaga da'da aan xiligeeda la gaadhin.

Faaiidooyinka kale ee haylka waxaa ka mida , wuxuu yareeyaa hingada,durayga ama qufaca, wuxuu qofka ka caawiyaa hurdo seexashada,

Guntii iyo gabagabadii mawduuceena haylku waa xawaash yar waxaana laga qaadan karaa qadar yar, maalin kastana waa cunto aad ku hagaajin karto korna ugu qaadi karto caafimaadkaaga,kaliyaata waxaa lagaa doonaa wax yar inaad ka isticmaasho si aad cuntadaada ugu samayso dhadhan caafimaadkiisana u hesho , hadaba Allah caafimaadka ha inoo siyaadsho intii xanuunsana Allah ha caafiyo aamiin
Powered by Blogger.