Header Ads

ads header

Waxtarka midhaha saytuunka - 10 faaiido cajiiba

Waxtarka midhaha saytuunka caafimaad tips website
Faaiidooyinka midhaha saytuunka

Saytuunka waa dhirta ka baxda dhulalka kulaylaha ah asal ahaana waxay ka soo jeeda badhtamaha qaarada amerika, laakiin magac ahaan waxaa lagu khaldaa saytuunka saliida balse saytuunka qaab ahaan wuxuu u samaysan yahay sida beedka ama ukunta oo kale midab ahaana waa cagaar iftiimiyaa iyo jaale ama huruudi isku darsan sidaas darteed kani maaha midka laga sameeyo saliid saytuunka kani waa saytuun somali aan wada naqaano.

hadaba maanta waxaynu soo bandhigaynaa waxtarka iyo faaiidooyinka caafimaad ee laga helo cunista saytuunka ama geedka saytuunka.

Faaiidooyinka saytuunka


Dhiig karka : midhaha saytuunka wuxuu hoos u dhigaa heerarka dhiig karka waayo daraasado lagu sameeyey midhahan ayaa cadeeyey in saytuunku uu xakameeyo heerka sonkorta ee jidhka.

Wadnaha : faaidooyinka saytuunka waxaa kale oo ka mida wuxuu hagaajiyaa korna u qaadaa caafimaadka wadnaha sidaas darteed daraasado badan oo laga sameeyey saytuunka waxay tilmaameen in midhahani leeyihiin awood sun saaris oo xoog badan iyo vitamino laga helo caleenta saytuunka taasoo la dagaalanta maadooyinka sunta ee loo yaqaano free radicals

Caadada dumarka : Saytuunka wuxuu yareeyaa xanuunka saaidka ah ee caadada dumarka sababtoo ah daraasad 197 dumar ayaa iftiimisay in xanuunka caadada uu ka yaraaday dumarkaas ka dib markay isticmaaleen caleenta saytuunka.

Dheefshiidka : saytuunka wuxuu faaiido u leeyahay dheefshiidka maxaa yeelay wuxuu leeyahay ilo heer sare ah oo fiber ah sidaas darteed cunista saytuunka waxay kaalmaynaysaa caafimaadka caloosha iyo waxayna la dagaalamaysaa calool istaaga ama calool fadhiga.

Miisaan dhimis : saytuunku wuxuu dadka buurbuuran ka kaalmeeyaa inay miisaanka dhimaan sababtoo ah saytuunku waa cunto la saaxiba miisaan dhimida.

Akhriso - waxtarka lawskaAkhriso - waxtarka liin dhanaanta

Kansarka : Saytuunka wuxuu alle swt ku abuuray awood uu kula dagaalamo cudurka kansarka sidaas darteed caleenta saytuunka waxay la dagaalanta jidhkana ka ilaalisaa in kansar uu ku dhaco amaba burooyinka kansarku ay fidaan.

DĂ­faaca jidhka : Saytuunka wuxu sare u qaadaa difaaca jidhka oo hadii qofka jidhkiisa uu ku yaraado vitamin c taasi waxay dhalinaysaa in jidhku u nuglaado khataraha caafimaad darro ee soo waajihi kara sida jeermisyada iyo jirooyinka sidaas darteed vitamin c saytuunka ayaa qani ku ah oo laga helaa.

Maqaarka : cunista saytuunka waxay u fiicanta maqaarka , maxaa yeelay wuxuu jidhka ka ilaaliyaa inuu dhaawac soo gaadho sidoo kalena wuxuu hoos u dhigaa geedi socodka gabowga ama duqnimada ee qofka wuxuuna maqaarka ka ilaaliyaa laablaabka ama coodh coodhka.
Powered by Blogger.