Header Ads

ads header

Cuntooyinka caruurta u fiican

Cunista cunto caafimaad leh aad ayay muhiim ugu tahay qof walba laakiin cunnooyin dhadhan fiican leh oo caafimaad leh u leh caruurta ayaa muhiim u ah koritaankooda iyo horumarkooda, sidaa darteed inaad ilmaha u samayso cunto caafimaad leh isla markaana ay cunaan xili kasta way adkaan kartaa maxaa yeelay waxaa la arkaa in caruurtu ay nacaan wixii ay cunaan markasta.



caruurta caatada ah caruurta soomaaliyeed caruurta aan hadlin caruurta autism amaanta caruurta adkaarta caruurta alaabta caruurta afka caruurta barbaarinta caruurta barnaamijka caruurta buskudka caruurta caruurta cuntada xun caruurta cuntada diida caruurta caqliga badan caruurta cuntada caanaha caruurta cusbada caruurta caruurta darbi jiifka caruurta dayacan caruurta dhalatay ducada caruurta ducada caruurta qoraal edbinta caruurta cabudhka caruurta caruurta fadhiga farxada caruurta finanka caruurta faaidada caruurta gooryaanka caruurta garaacida caruurta hargabka caruurta heesaha caruurta heesta caruurta qoraal heesaha caruurta loo qaado caruurta isku kaadida caruurta iyo cusbada ilkaha caruurta ilaalinta caruurta jiifka caruurta kobcinta caruurta korinta caruurta koritaanka caruurta kaadida caruurta cuntooyinka caruurta koriya caruurta la garaaco labiska caruurta lafaha caruurta la dhaqanka caruurta ducada caruurta loogu duceeyo maweelada caruurta miisaanka caruurta magacyada caruurta nabiga nafaqada caruurta
Pixabay.com


Cuntooyinka caruurta

Sidaas oo ay tahay baahiyaha nafaqada caruurta waa in la buuxiyaa sidaas daraadeed inaad fahanto faaiidooyinka suuragalka ah ee cuntooyinka faaiido caafimaad u leh caruurta waa muhiim.

Faaiidada cuntada

Hadii aad caruurta siiso cunto faaiido u leh caafimaadka caruurta taasi waxay u horseedaysa caruurta inay la qabsadaan cuntooyinka nafaqada iyo faaiidada u leh ee aad ugu talo gashay.

Cunista cuntooyin caafimaad leh

Qaybta ugu muhiimsan waa in caruurta la siiyo cunto caafimaad qabta si mustaqbalkooda ay ula qabsadaan taasina waxay ka caawinaysaa inay helaan koriimo caafimaad qabta.

Laakiin ma ogtahay dhibaatada ugu weyn ee haysata dadka waaweyn intooda badan inay tahay in aan yaraantoodii la soo siin jirin cunto caafimaad qabta ama aan loo sameyn caado cunto cunis ah oo nafaqo dhamaystiran siisa jidhkooda, haa waad ogtahay waayo nidaamka cunto cunista waa muhiim.

Muhiimada cunto caafimaad leh

Waxyaabaha ugu horeeya ayaa ah inaad ogaato in cuntooyinka caruurta ee caafimaadka laga helo ay ilmahaaga u horseedayaan horumar guud waxaana ka mida .

  • Awooda kororka garashada
  • Difaaca jidhka oo xoogaysta
  • Ka hortaga cudurada daba dheeraada
  • Koritaanka ilmaha oo wanaagsanaada

Cuntooyinka caafimaadka leh ee ugu fiican caruurta

Qaar kamida cunnooyinka caafimaadka leh ee caruurta waxaa kamida kuwan soo socda ee si dagan u akhriso si aad u fahanto cunto kasta .

Ukunta / Beedka : iyada oo aynu oganahay in beedku yahay isha ugu weyn ee laga helo booratiinada iyo fiitamiino dhawr ah sida sida fiitamiin A iyo fiitamiin D , ukunta waa cuno caafimaad u leh caruurta. Halkan ka akhriso fiitamiin kasta iyo shaqadiisa

Hadaba inkasta oo cunista ukunta badani ay sababi karto kororka heerarka kalastaroolka, qaadashada ukunta dhexdhexaadka waxay ka caawisaa caruurta inay koraan oo ay si caadi ah u koraan. Halkan ka akhriso faa'iidooyinka ukunta


Baradhada macaan : sidoo kale waxaa loogu yeedhaa bataatiga macaan waxayna ka mid tahay khudaarta ugu nafaqada badan uguna raqiisisan ee hareerahaaga taala waa hadii aad joogto meel laga heli karo hadaba vitamin A ku jira baradhada macaan ayaa caafimaadka indhaha sare u qaada - Halkan ka akhriso Cuntooyinka indhaha u roon , Baradhada macaan waxay u shaqaysa sida maadada loo yaqaano antioxidant sidaa darteed caruurta aad ayay u jecel yahay sababtuna waa dhadhankeeda macaan iyo qaab ahaanteeda, sida daraasadaha qaar badan oo ka mida ay tilmaameen baradhada macaan waxay wanaajisaa caafimaadka caruurta.

Berries : midhahan waa loo yaqaanaa midho yar ama berries sidaa daraadeed dhadhanka midhan caanka ah ayaa sidoo kale fududeynaaya fiber iyo fiitamiino ku filan maalin walba, sidaa dareed midhaha loo yaqaano berries waa kuwoo u wanaagsan caruurta.

Cuntooyinka kale ee u wanaagsan caruurta
  • Yogurt
  • Cambaha
  • Afakaadhaha

Talo waalidka ku socota

Adigu waxaad tahay waalid - haa dabcan - hadaba waa inaad isku daydaa inaad ilmahaaga u samayso qorshe wanaagsan oo uu ka helaayo cunto caafimaad qabta ( Qorshe Cunteed ) sidoo kale waa inaad isku daydaa inaad xadido cuntooyinka uu jecelyahay ilmahaaga - laga yaabaa kuwaasi caafimaadkiisa uma fiicna - sidoo kale waa inaad ka ilaalisaa cuntooyinka macmacaan sidoo kale waa inaad isku daydaa in wakhtiga uu tvga uu daawanaayo aad yarayso, ugu dambayn waa inaad xakamaysaa cuntada ilmaha uu cunaayo adigoo baraaya cuntada u wanaagsan caafimaadka ee aad khibrada u leedahay.
Powered by Blogger.