Header Ads

ads header

Waxtarka Vitamin D - faaiidooyin qurux badan

Qormadan waxaynu kaga hadlaynaa vitamin D  | sidoo kale loo yaqaano nafaqada qoraxda waana mid kamid fiitamiinada ugu muhiimsan jidhka bini aadamku wuxuu si dabiici ah uga heli karaa iftiinak qoraxda, cuntooyinka laga helo vitamin d waxaa ka mida lawska , kaluunka nooca loo yaqaano salmon iyo ukunta ama beedka iwm.



vitamin d maxaa laga helaa, vitamin d waxaa laga helaa, maxaa laga helaa vitamin d, vitamin b, vitamins function, vitamins list, vitamins online, types of vitamins, lassification of vitamins, role of vitamin a
Photo by Pixabay from Pexels

Waxtarka Vitamin D

Vitamin D wuxuu muhiim u yahay habaynta kaalshiyaamta jidhka sidoo kale sidoo kale wuxuu gacan ka gaystaa sii wadida heerarka foosforaska sidaa darteeed isticmaalkiisa joogtada ah wuxuu kaa ilaalin karaa hargabka iyo sonkorowga laakiin vitamin D oo kugu yaraada wuxuu keena karaa halis caafimaad waayo xiliga uurka inuu jidhka haweenayda ku yaraado waa halis sidaa darteed hadii uu jidhkaaga ku yaryahay fiitamiin Dgu waxaad isku arki kartaa astaamo sida

  • Daal
  • Daciifnimo
  • Lafo xanuun
  • Dhabar xanuun
  • Niyad jab
  • iyo waxyaabo lamida


Faaiidooyinka Vitmain D

Hadaba halkan waxaan ku soo koobayn faaiidooyinka quruxda badan ee uu xambaarsan yahay vitamin akhriso si aad u ogaato.



Xanuunada lagu daaweeyo Vitmain D

Daawaynta cambaarta eczema : Qaadashada vitamin D kugu filan waxay kaa caawin kartaa inaad ka takhaluusto maqaarka cas ama cuncun leh ama cambaar leh oo ah eczema.

Wuxuu ka hortagaa finanka : waayo fitamiin D wuxuu leeyahay awood uu kaga hortago finanka gaar ahaan kuwa wajiga sidaa daraadeed waxaa lagu taliyaa in qofku hadii uu leeyahay finan inuu hubiyo heerka fitamin dgiisa,

Duqnimada : Wuxuu la dagaalamaa gabowga aan xiligiisa la gaadhin ee soo dagdaga waayo heerarka hooseeya ee vitamin Dga ayaa inta badan lala xiriiryaa da'da gabowga sidaa darteed qaadashada vitamin D ayaa kaa caawin karta inuusan gabowgu kugu soo degdegin.

koriimada timaha : Vitamin D wuxuu kaa caawinaayaa koritaanka tinta waayo fiitamiin D waxaa lagu yaqaanaa inuu saaro timaha sidaa darteed hadii aad jeceshahay inay timuhu kuu baxaan si dabiici ah ku dadaal waxyaabaha laga helo vitamin D.

Toxobta madaxa : Vitamin D wuxuu daaweeyaa toxobta iyo agoolka madaxa sidaa awgeed yaraanshaha fiitamiin D waxaa lala xiriiriyaa toxobta madaxa.
Powered by Blogger.