Header Ads

ads header

Cuntooyinka miisaanka dhima

Maanta kama hadlayno cuntooyinka miisaan kordhiya laakiin waxaynu soo bandhigaynaa cuntooyinka miisaanka dhima maadaama bulshadeena uu ku badanaayo cayilka ama buurnaanta oo noqotay cilada caafimaad ee ugu hadal haynta badan bulshada soomaalida dhexdeeda iyo guud ahaan aduunka oo idil.

cuntooyinka miisaanka kordhiya, cuntooyinka miisaanka dhima, cuntada miisaanka kordhiya, dhimista miisaanka, kordhinta miisaanka, waxyaabaha miisaanka kordhiya, maxaa miisaanka kordhiya, sidee miisaanka loo kordhiyaa, sida miisaanka loo dhimo, sida miisaanka loo kordhiyo, waxyaabaha miisaanka yareeya, waxyaabaha dhiiga kordhiya
Photo by Pixabay from Pexels


Cuntooyinka miisaanka dhima 

Dadka cayilan intooda badan waxay helaan talooyin aad u badan kuwaas oo intooda badan aysan xaqiiqo ahayn sidaa daraadeed cilmi baadhayaasha waxay xooga saareen inay soo bandhigaan xogo caafimaad oo lagu kalsoonaan karo kuwaas oo jidhka qofku uu ka helaayo saameyn wanaagsan.

Akhriso cuntooyinka indhaha u fiicanAkhriso cuntooyinka tamarta kordhiyaAkhriso waxtarka caafimaad ee ukunta

Biyaha : waa inaad cabtaa biyo badan gaar ahaan cuntada ka hor waayo inta badan waxaa la sheegaa in biyuhu ay kaa caawin karaan inay miisaanka kaa dhimaan - taasina waa run - sidaa darteed mid kamida cilmi baadhisyada lagu ogaaday inay biyuhu miisaanka dhimaan waxay sheegaysaa qofku hadii uu cabo litir badhkii oo biyo ah cuntada ka hor inuu hoos u dhigaayo tamarta cuntada laga helo ee loo yaqaano kalari sidaasna uu ku dhimaayo miisaankiisa 44%  marka la barbar dhigo dadka aan biyo ku filan cabin.

Ukunta / beedka : waa inaad ku quraacataa subaxdii beedka ama ukunta waayo cunitaanka beedka wuxuu ka kooban yahay oo aad ka helaysaa faaiidooyin badan oo ay ugu horeyso inuu miisaanka hoos u dhigo, Akhriso faa'iidooyinka ukunta

Cilmi baadhisyada qaarkood waxay sheegayaan cunista beedka inay hoos u dhigay kalariga jidhkaaga sidaa darteed 36 saacadood ka dib jidhkaaga wuxuu bilaabaaya inuu dib u habeeyo miisaanka jidhka.

Kafayga : qaxwaha oo sidoo kale loo yaqaano bunka dadka qaarkood waxay ka aamineen waxyaabo khaldan maxaa yeelay waxaa la siiyay warbixino aan sax ahayn, laakiin qaxwaha dabiiciga ah waxaa ka buuxda antioxidant oo ah maado jidhka sunta ka saarta sidaas darteed qaxwaha tayada leh wuxuu leeyahay faaiidooyin caafimaad oo badan - Akhriso faaiidooyinka kafayga

Hadaba maadada caffeine ee ku jirta qaxwada waxay kor u qaadaa dheefshiidka 3-11% ( sadex ilaa 11 boqolkiiba ) sidoo kale waxay kordhisaa gubashada dufanka jidhka  10-29%.

Kaliya iska hubi in aanad ku darin qaxwada sonkor iyo waxyaabo kale oo colories ah waayo taasi waxay hakinaysaa waxtarka aad ka heli lahayd bunka ama qaxwada.

Shaaha cagaaran : sida qaxwada ama bunka sidoo kale shaaha cagaaran ayaa isaguna leh faaiidooyin caafimaad oo badan kuwaas oo ay ka mid tahay inuu miisaanka dhimo.

inkasta oo shaaha cagaaran ay ku jiraan xadi yar oo kafayn ah hadana waxaa laga helaa antioxidant awood leh taas oo loo yaqaano catechins waxaana la rumaysan yahay in si isku mida ay u wada shaqeeyaan kaafaynta si kor loogu qaado gubashada dufanka jidhka 9 ilaa 10% .

Isticmaal bileedhka cuntada oo yar : isticmaalka weel yar ayaa iyaguna kaa caawinaayaa inaad miisaankaaga dhinto waayo weelka yar wuxuu ka hortag u yahay inaad cunto cunto badan sidoo kale colories jidhkaaga u gudbaayaa way yaraanaayaan sidaasa waxaad ku helaysaa in miisaanka malinba maalinta ka dambaysa uu hoos u dhaco.

Waxaan filaayaa in maqaalkani uu kaa caawiyay inaad xog badan oo xaqiiqo ah ka ogaato sida saxda ee miisaanka loo dhimo | Fadlan la wadaag asxaabtaada oo share garee .
Powered by Blogger.