faaiidooyinka xulbada ee la xaqiijiyay
Xulbada waa geed daaweed asal ahaan ka soo jeeda dalka India iyo koonfurta qaarada yurub iyo dalalka Mediterranean loo yaqaano iyo waqooyiga qaarada aasiya, sidoo kale xulbada waxaa aad u adeegsata soomaalida iyo carabta.
Xulbada iyo caafimaadka
![]() |
Pixabay.com |
Sida xulbada loo isticmaalo
Xulbada waxaa la isticmaalaa iyadoo la qalajiyay midhaha xulbada sidoo kale caleenta xulbada iyadoo qoyan ayaa la isticmaala.
Qormadan Waxaan kuugu soo gudbinaynaa faaiidooyinka xulbada iyo nadaqooyinka xulbada laga helo ee cilmi baadhis lagu xaqiijiyay.
Faaiidooyinka xulbada
Xulbada iyo raganimada : mid ka mida sababaha ugu waaweyn ee Ragu xulbada u isticmaalaan waa inay Sare u qaado raganimada sidaas darteed daraasadaha qaar ayaa tilmaamay in xulbadu kordhiso Isla markaana faaiido u leedahay hoormoonka raganimada ee loo yaqaano testosterone, waxaa kale oo la sheegaa xulbada iyo guska inay xidhiidh wanaagsan leeyihiin caafimaad ahaan
Xulbada iyo dumarka : faaiidada xulbada way badan tahay laakiin haweenka uurka leh uma wanaagsana xulbadu waayo waxay saameyn ku yeelan kartaa koritaanka maskaxeed ee uur jiifka sidoo kale sonkarta haweenta uurka leh ayay ridi kartaa sidoo kalena foosha ayay soo dadajisaa waayo minka hooyada uurka leh ayay maroojisaa. sidaa darteed talooyinka ugu badan ee gabadha uurka leh la siiyaa waa inaysan qaadanin xulbada.
Xulbada iyo caruurta : inta badan suaalaha la iswaydiiyo waxaa ka mida xulbada caruurta ma la siin karaa jawaabta oo kooban waa maya waayo caruurta lama siiyo geedo daaweedyada ilaa uu dhakhtar u qoro mooyee sidaas darteed xulbadu maaha amaan in la siiyo caruurta ilaa hadana ma jirto

Xulbada iyo wajiga : fiitamiin Cga ku jira xulbada midhaha xulbada waxa uu iftiin dabiici ah siiyaa maqaarka sidoo kale wuxuu ka dhigaa qofka mid qurxoon sidaa darteed xulbada oo qoyan soo qaado ka dibna iyadoo dhexdhexaad ah wajiga ku dahaadh , sidaasi waa qaabka wajiga xulbadu uga dhigto mid ifaaya oo qurxoon isla markaan way nadiifisa maqaarka.
Xulbada iyo naasaha : xulbadu waxay kordhisaa caanaha hooyada waana geed la hubo inay caanaha naasaha hooyada badiso gaar ahaan xiliga ugu horeeya ee naas nuujinta ilmaha sidaa darteed waxaa hadii hooyadu rabto in caanaheeda naasaha kordhiso waxaa jira kiniin capsules ah oo si dagdaga u kordhiya caanaha hooyada waxaana natiijada caano badinta naaska hooyadu arkaysaa 24 ilaa 72 ka dib marka ay qaadato kiniinka.
Xasuusin : fadlan ha iska qaadan kiniinkan ama kaniini kasta oo aan laguu qorin waa inaad dhakhtarkaaga kala tashataa qaadashada kaniinkan
Xulbada iyo timaha : xulbada aad ayay ugu fiican tahay timaha gaar ahaan timaha toxobta leh ee isku dhagdhaga waayo waxay leedahay protein aad u sareeya oo nafaqeeya tinta ama timaha , waxtarka xulbada ee la ogyahayna waxaa kamida inay la dagaalanto daadashada timaha iyo toxoba ama agoolka sidoo kale xulbada waxaa lagu daaweeyaa ciladaha kala duwan ee madaxa ku dhaca sida salaxyada fidaaya iyo tinta oo khafiif noqota.