Header Ads

ads header

Qaababka ugu fudud ee baruurta caloosha loo yareeyo

Sida miisaanka loo dhimo | Run ahaantii miisaanka culus waxaa lala xiriiriyaa cuduro aad u badan oo ay ka mid yihiin macaanka nooca 2 , kalastaroolka iyo dhiig karaka iyo faaliga iyo wadne xanuunka sidaa darteed qofkasta oo maqaalkan akhriya waxaa lagu dhiirigelinaayaa inuu ku dhaqmo.



caloosha maxaa lagu yareeya caloosha maxaa yareeya caloosha maxaa lagu yareeyo caloosha buuran caloosha weyn caloosha dumarka aashitada caloosha baruurta caloosha bararka caloosha biyaha caloosha galo caafimaadka caloosha cayilka caloosha cuntooyinka caloosha u fiican kansarka caloosha dildilaaca caloosha dhimista caloosha eernada caloosha toonta iyo caloosha jimicsiga caloosha maxaa keena caloosha weyn sidee caloosha loo yareeyo sida caloosha loo jaro waxyaabaha caloosha lagu yareeyo sidee caloosha loo yareeya sida caloosha loo rido waxa caloosha lagu yareeyo sidee caloosha loo jaraa raga caloosha weyn miisaanka ilmaha miisaanka caruurta miisaanka jirka cuntooyinka miisaanka kordhiya cuntooyinka miisaanka dhima cuntada miisaanka kordhiya dhimista miisaanka kordhinta miisaanka waxyaabaha miisaanka kordhiya maxaa miisaanka kordhiya sidee miisaanka loo kordhiyaa sidee miisaanka loo dhimaa sida miisaanka loo dhimo sida miisaanka loo kordhiyo waxyaabaha miisaanka yareeya waxyaabaha dhiiga kordhiya
Pixabay.com

Sidaa darteed luminta miisaanka xad dhaafka ah iyo baruurta caloosha waxay leeyihiin faaiidooyin waaweyn caafimaadkaaga waxay  taasi kugu sii caawinaysaa inaad ku noolaato nolol caafimaad leh, sidaa daraadeed hadii aad leedahay miisaan culus markaa waa inaad qaadaa talaabooyin aad kaga takhalusi karto .

Sida caloosha loo jaro

Nasiib wanaagsan waxaa jira xeelado dhawr ah oo la xaqiijiyay lana cadeeyey oo lagu yaraynaayo baruurta caloosha taas oo inta badan qofka u soo jiida foolxumo iyo dhibaatooyin kale.

Caloosha maxaa lagu yareeya

Halkan waxaan kuugu soo gudbinaynaa qaababka ugu saxsan isla markaana la isku waafaqay inay caloosha yareeyaan hadii sida saxda loogu dhaqmo .


Ka fogoow cuntooyinka iyo cabitaanada sonkorta leh

Sonkortu waxyaabaha lagu daray aad ayay caafimaadka ugu daran yihiin baaritaanada ilaa hada la sameeyey waxay sheegaayaan inay caafimaadka waxyeelayso sonkorta waxay ka kooban tahay glucose iyo fructose sidaa darteed qadar aad u badan oo fructose ah oo jidhkaaga u gudba wuxuu culays saaraayaa beerkaaga sidaas awgeedna beerku wuxuu ku qasban yahay inuu u rogo baruur.

Akhriso cuntooyinka miisaanka dhima
Akhriso cuntooyinka tamarta laga helo
Akhriso cuntooyinka indhaha u roon


Hadaba daraasado badan oo la sameeyey ayaa ka digaaya sonkorta xad dhaafka taas oo laga helaayo qadar aad u badan oo fructose ah waxay horseedaaysaa in baruurta calooshu badato sidoo kale waxyeelo u gaysato beerka, sidaa darteed hadii aad doonayso inaad xaluska caloosha yarayso ka fogow sonkorta badan.


Cun cuntooyinka uu ku badan yahay booratiinka

Cunista booratiinka faraha badan waxay kor u qaadaysaa dheefshiida sidoo kale waxay yaraynaysaa heerarka gaajadataas oo ka dhigan inay tahay hab aad u wanaagsan oo aad miisaanka ku lumin karto.

Daraasadaha qaar ayaa tilmaamaayaa in booratiinku si gaar ah wuu wax uga taro caloosha weyn isagoo soo uruurinaaya isla markaan gubaaya baruurta caloosha sidaa darteed hadii culaysku kaa yaraado waa bartilmaameedkaaga ka dibna ku darista booratiinka ayaa noqonaayaa inuu yahay isbedelka kaliya ee ugu waxtarka badan cuntadaada.


Qaado cunto kalarigu ku yar yahay

Kalari ama karbonhaydarayt waa tamarta cuntada laga helo sidaa daraadeed inaad xadido waa habka ugu muhiimsan ee loo lumiyo miisaanka jidhka waliba si dhakhso ah

Cun cuntooyinka hodanka ku ah fiberka

Fiberka waxaa si gaara looga helaa cuntooyinka dabiciiga ah ama wadaniga ah sidaa darteed fiberku wuxuu awood u leeyahay inuu qofka ka caawiyo miisaanka oo yaraada iyo sidoo kale inuu yareeyo dufanka caloosha ku kaydsan.

Jimicsi samee

Waxba isma badalaayaan hadii aynaan samayn jimicsi sidaa aawadeed jimicsigu waa muhiim hadii aad rabto inaad gubto baruurta caloosha sidoo kale miisaanka aad dhinto sidaa daraadeed jimicsigu wuxuu kaloo leeyahay faaiidooyin caafimaad oo tiro badan wuxuuna kaa caawinaayaa inaad ku noolaato nolol wanaagsan oo caafimaad leh.
Powered by Blogger.