Header Ads

ads header

Waxtarka liin macaanta - 10 faaiido cajiiba

Liin macaan waxay leedahay faaiidooyin caafimaad oo badan waxaana ka mida ilaalinta indhaha iyo hagaajinta araga iyo sare u qaadida baahida galmada ka hortaga calool fadhiga iyo hagaajinta nidaamka difaaca jidhka hagaajinta niyada , kor u qaadida caafimaadka ilkaha, hagaajinta cadaadiska dhiiga, hagaajinta, hagaajinta muuqaalka maqaarka, ka hortaga koritaanka unugyad kansarka, kor u qaadida dheefshiidka cuntada iyo ilaalinta wadnaha.

liin macaanta, waxtarka liin macaanta, faaiidada liin dhanaanta, faa'iidooyinka liin dhanaanta, geedka liin macaanta, faa'iidada liin macaan, faa'iidada liin macaanta
Pixabay.com

Liin macaanta 

Liin macaantu waa khudrad caan ah meesha aad dunida ka joogtaba waad helaysaa umana baahna aqoonsi gooniya waayo waxay ka mid tahay khudaarta maalin kasta dunida oo dhan laga cuno, xaqiiqdii waa mida ugu caansan noocyada liinta ee ka tirsan qoyska liinta ee loo yaqaano citrus sidaa darteed liin macaanta waxay wuxuu alle ku abuuray dhadhan wanaagsan waxayna kor u qaadaa caafimaadka qofka bini aadamka ah.

Qiimaha nafaqeed ee liin macaanta 100kii gram

Calories-47
Fiber- 2.40g
Total carbonyhrate- 11.75g
Potassium-168g
Vitamin A-7.5
Vitamin C 90
Iron 1%
calcium- 4%

Faaiidooyinka liin macaanta


Waxay ilaalisaa indhaha waxayna xaqiijisaa aragtida

Cunista cuntooyinka hodanka ku ah vitamin C waxay gacan ka gaystaan caafimaadka indhaha sidaa darteed liin macaanta waa il muhiim ah oo laga helo Vitamin C waxayna indhaha ka ilaalisaa nabaad guurka.

Waxay kobcisaa baahida galmada

Liin macaanta waxaa laga helaa faaiidooyin caafimaad oo kaa caawinaaya xoojinta galmada labka iyo dhediga, markii si joogta ah loo isticmaalo waxay awood kuu siinaysaa inaad xaliso dhibaatooyinka galmada ee hoos u dhaca ah kuwaas oo saameeya noloshaada waxay kaloo ka qayb qaadataa sii wadida galmada .




Waxay la dagaalantaa calool fadhiga

Calool fadhigu wuxuu yimaadaa markay dhibaato ku dhacdo gudbinta saxarada oo ah saxarada oo aan caadi ahayn oo adag sidaa daraadeed liin macaanta hadii aad cunisteeda joogtayso waxay ka hortag wanaagsan u noqonaysaa inaad yeelato calool istaag aam calool fadhi.

Waxay xoojiysaa difaaca jidhka

liin macaanta waxa ku jira vitamin, waxaana la ogyahay in fiitamiinka ku jira liin macaanta uu sare u qaada shaqada difaaca jidhka waxayna liin macaantu gacan ka gaysataa hawlaha difaaca jidhka ee u baahan isla markaana raba inay baabiiyaan cudurada.

Waxay hagaajisaa niyada

Liin macaanta waxay qofka cuna ka caawisaa kor u qaadida niyada iyo yaraynta niyadjabka iyo walwalka sidoo kale cunitaanka liinta wuxuu kuu horseedaayaa deganaansho sidaa awgeed liin macaanta waxaa taariikh ahaan loo isticmaali jiray daaweynta walbahaarka .

Waxay kobcisaa caafimaadka ilkaha

Dayactirka ilkaha iyo ciridka waa inay mudnaanta koowaad lahaadaan marka laga hadlaayo daryeelka afka maadaama infakshan uu waxyeelayn karo ciridka sidaa awgeed liinta waxay gacan ka gaysataa caafimaadka ciridka iyadoo la xoojinaayo xididada dhiiga iyo unugyada xajiyada ciridka iyo ilkaha .

Faaiidooyinka kale ee liin macaanta

Waxay nidaamisaa cadaadiska dhiiga
Waxay wanaajisaa muuqaalka maqaarka
Waxay ka hortagtaa koboca unugyada kansarka
Waxay dhiirigelisaa dheefshiidka cuntada
Waxay kaa caawinaysaa maaraynta neefta
Waxay ilaalisaa caafimaadka wadnaha

Midhaha liin macaanta waa midho aad loo jecel yahay waana midho laga helo faaiidooyin caafimaad oo tiro badan waxayna jidhka qofka siiyaan nafaqooyin wanaagsan sidaa darteed cabitaanka liin macaanta waxaa laga helaa fiitamiino aad u badan oo waxtar u leh caafimaadka sidaas darteed waxaa muhiim ah in lagu dadaalo cunitaanka liin macaanta iyo cabitaankeeda.



Powered by Blogger.