Cuntooyinka dheefshiidka u roon la xaqiijiyay
![]() |
Pixaybay.com |
Dheefshiidka caloosha
Dheefshiidka wuxuu door muhiim ah ka cayaaraaha caafimaadka maadaama uu masuul ka yahay nuugista nafaqooyinka cuntada laga helo iyo u bedelida cuntada qashin , sidaa daraadeed maanta kama hadlayno habdhiska dheefshiidka laakiin cuntooyinka dheefshiidka u roon ayaynu ka hadli doonaa.Cudurada dheefshiidka
Nasiib darro dad badan oo aduunka ku nool ayaa waxay la dhibaataysan yihiin dhibaatooyinka dheefshiid xumada ee caloosha sida casiraad, calool xanuun, gaaska, shuban iwm.Xanuunka dheefshiidka
Si kastaba ha ahaatee qof caafimaad qaba ayaa la kulmi kara dhibaatooyinka dheefshiid xumada sida qofka oo aan cunin cunto uu ka heli lahaa fiber ku filan waxana dhibaato ay gaadhi kartaa nidaamka dheefshiidkaHalkan waxaan kugu soo gudbinaayaa cuntooyinka u wanaagsan dheefshiidka caloosha.
Digirta iyo dheefshiidka : digirta waxay ka mid tahay baalaleyda waxaana ku jira waxyaabo badan oo u roon caafimaadka dheefshiidka sababtoo ah waxaa jira cudurada dheefshiidka sidaa darteed digirtu waxay u sahlan tahay inay calooshu shiido waxayna ka la dagaalantaa isla markaana ka hortagtaa calool fadhiga.
Qaraha iyo dheefshiidka : xabxabka ama qaraha waxaa laga helaa oo alle ku abuuray maadada buunshaha ama fiber ta loo yaqaano taasoo dheefshiidka iyo mindhicirada caloosha u wanaagsan.
Baamiyaha iyo dheefshiidka : baamiyaha wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka waayo caloosha wuu jilciyaa mindhiciradana wuxuu ka saaraa qashin saarka, sidaa dateed waxaa waxaa la dhahaa dheefshiidka cuntada wanaajisa waa baamiyaha
Biyaha iyo dheefshiidka : biyaha diiran ee subaxda hore la cabo waxay u fiican yihiin dheefshiidka waxayna si wanaagsan oo balaadhan caloosha ka caawiyaan in cuntadu shiidanto.
Akhriso faaiidooyinka biyaha
Xabad sowdada iyo dheefshiidka : xabaasuuda waa midho cajiib oo la ogyahay faaiidooyinkooda caafimaad iyo waxtarka ay jidhka u leedahay sidoo kale waxay u roon tahay dheefshiidka waayo waa daawada dheefshiidka waxaana lagu daaweeyaa xanuunada dheefshiidka ka dhasaha.
Nacnac kulaylka iyo dheefshiidka : nacnac kuleelka laga sameeyo saliida nooca loo yaqaan Peppermint oil oo ah nooca ugu badan ee laga sameeyo nacnac kuleelka wuxuu u wanaagsan yahay shaqada dheefshiidka gaar ahaan markuu qofku dheregsan yahay waayo wuxuu dabciyaa murqaha qofka gaar ahaan kuwa caloosha iyo mindhicirada taas oo fududaysa dheefshiidka qofka kana hortagta calool fadhiga,
Kaarooga iyo dheefshiidka : sida aynu wada ogsoonahay kaarootada waxay u roon tahay maqaarka, shaqada kalyaha, wuxuu hoos u dhigaa khatarka xanuunka faaliga, wuxuu sare u qaadaa caafimaadka wadnaha, wuxuu kaloo sare u qaadaa caafimaadka beerka, wuxuu kaloo u roon yahay indhaha, ilkaha sidoo kale wuxuu la dagaalaama gabow iyo cudurka kansarka balse dhinaca kale waxaa lagu amaanaa isla markaana uu ka mid yahay cuntooyin sare u qaada caafiamadka dheefshiidka.
Akhriso faaiidooyinka kaarootada
Xamarta iyo dheefshiidka : Midhaha dhanaan ee loo yaqaano raqayga ama xamar waa midho laga helo faaiidooyin caafimaad oo aad u badan waxaana ka mida waxtarka raqayga, maqaarka ayay iftiimisaa, miisaanka qofka ayay hoos u dhigtaa, cudurka kansarka ayay la dagaalantaa, waxaa kale oo lagu daaweeyaa hargabka iyo dheefshiid xumada , sidaa darteed xamartu waxay u roonta dheefshiidka waxay kaloo yaraysaa dibirada iyo hawada badan ee ku dhex samaysanta caloosha.
Soonka iyo dheefshiidka : waxyaabaha kale ee sare u qaada caafimaadka dheefshiidka waxaa kamida soonka waayo waa dawada dheefshiidka sidaa darteed cuntada oo laga soomo waaberi ilaa gabaldhac waxay yaraysaa shaqada ay qabtaan unugyada dheefshiidka oo ay ka mid yihiin , caloosha, xiidmaha, beeryada, xameetida iyo beerka sidaa darteed inta soonka lagu gudo jiro waxaa nasta unugyadaas waxaana sare u kaca caafimaadka dheefshiidka ee qofka.
Ugu dambayn
Hadii aad ka faaiiday maqaalkan fadlan share garee