Header Ads

ads header

Cuntooyinka niyad jabka lagu daaweeyo

niyad jabka niyad jabka maxaa keena niyad jabka jaceylka niyad jabka nolosha niyad jabka guurka niyad jabka badan niyad jabka galmada niyad jabka caruurta astaamaha niyad jabka calaamadaha niyad jabka daawada niyad jabka maxaa keena niyad jabka waa maxay niyad jabka maxaa sababa niyad jabka xanuunka niyad jabka xikmado niyad jabka
Image by stokpic from Pixabay


Niyad jabka

Mid ka mida waxyaaabaha ugu muhiimsan ee laga ilaawo caafimaadka maskaxda waa nafaqada sidaa awgeed maanta kama hadlayno maxaa sababa niyad jabka laakiin cunnadu waxay door muhiim ah ka cayaartaa caafimaadka jidhkeena iyo caafimaadka maskaxda iyo shucuurta micnaha niyad jabka nolosha.

Waxaa muhiim ah inaad ogsoonaato dhibaato kasta oo aduunyada qofku la kulmo in xalkeedu yahay xiriirka adiga iyo illaahay idiin dhexeeya oo aad wanaajiso waayo ku xidhnaanta rabigaa iyo inaad adeecdo wixii uu ku faray waa xalka kaliya ee dib ugu soo celin karto farxadaada iyo dheelitirnaantaaada maskaxeed , laakiin waxaa kale oo muhiim ah inaad ogaato in Alle daawadeena inoo galiyay dhirta iyo nimcoolayda xalaasha inoo ah.



Daawada niyad jabka

Sidaa darteed markaad dareemayso inaad halgan kula jirto la dagaalanka niyad jabka waxaad dareemi kartaa inaad si xad dhaaf ah uga fekerayso cunista cuntooyinka saxda ah , si kastaba ha ahaatee cunista cuntooyinkan ayaa yaree niyad jabka badan waxayna saameyn wanaagsan ku yeelanayaan noloshaada maalinlaha ah.

Cuntooyinka niyad jabka lagu daaweeyo

Si kastaba aha ahaatee cuntooyinkan waxay faaiido u leeyihiin oo xoojiyaan niyada laakiin tan macnaheedu maaha inaad ka feejignaanayso cuntooyinkii kale ee awalba aad cuni jirtay laakiin inaad ka warhesho cuntooyinka saamaynaaya niyadaada ayaa kaa caawin kara inaad si fiican u maamusho astaamaha niyad jabka.

Kaluunka : malayga ama kaluunka labada magacba soomaalidu way ugu yeedha - kaluunka noocyada saliida badan sida salmon, mackerel, trout, sardines, iyo tuna oo aan ahay ka qasadaysan dhammaantood waa noocyada kaluunka ee loogu jecel yahay waxayna cunista kaluunka kaa caawinaysaa la dagaalanka xanuunka niyad jabka iyo murugada sababtoo ah waxay hodan ku yihiin maadada duxda ah ee loo yaqaan omega 3.

Lawska : noocyada kala duwan ee lawska sida Cashews, brazilian nuts, hazelnuts, waxay aad ugu fiican yahay kordhinta dufanka omega 3, sidaa darteed lawska waxaa lagu yaqaanaa inuu taageero caafimaadka maskaxda wuxuuna ka mid yahay cuntooyinka sida rasmiga ah looga helo maadada omega 3.

Akhriso faaiidooyinka lawska

Digirta : noocyad kala duwan ee digirta waa il wanaagsan oo laga helo borotiino iyo fiber labadooduna waxay gacan ka gaystaan sidii loo joogtayn lahaa heerarka sonkorta ee dhiiga oo joogta ah, waxaa intaa u dheer yaraynta sonkorta dhiiga inay hoos u dhacdo saameynta ay ku yeelan karto niyadeena.



Iniinyaha : Midhaha saliidka iyo kuwa loo yaqaano chia seeds waa cunno layaab leh sidaa darteed hadaad rabto inaad la dagaalanto niyad jabka iyo murugada ku darso cuntadaada idinka illaahay waad ka bogsan doontaa, hadaba sida cunooyinka kale ee aynu soo sheegnay midhahan waxaa laga helaa maadada omega 3 oo la dagaalanta isku buuqa , niyad jabka , murugada.

Akhriso shaqada fiitamiinada

Digaaga : waa isha ugu weyn ee  laga helo booratiin caawin kara heerarka sonkorta dhiiga sidaa awgeed cunista digaaga waxay ka dhigaysaa niyadaada mid isku dheelitiran maalinta oo dhan

Khudaarta : haa waxaad u baahan tahay inaad cunto khudaarta inkasta oo qof walba ay muhiim u tahay inuu cuno khudrada , cunista khudaarta idanka illaahay sare u qaada niyada qofka sidaa awgeed hadii aad rabto inaad yarayso niyadjabka waxaa kuu wanaagsan inaad maalin kasta cunto khudaarta.
Powered by Blogger.