Header Ads

ads header

Faaiidooyinka huruuda ee la xaqiijiyey



Geedka huruuda wa mid kamida daawo dhireedka ugu awooda badan ee arlada guudkeeda waxaana laga isticmaala meelo badan oo dunida ah laakiin waxaa si gaara u isticmaala soomaalida gaar ahaan dumarka soomaaliyeed oo intooda badan u adeegsan jiray isqurxinta.

huruuda in english huruuda iyo uurka huruuda wajiga huruuda cuntada huruuda iyo wajiga waxtarka huruuda faa'iidada huruuda faaidada huruuda huruuda iyo caafimaadka caafimaadka huruuda daawada huruuda dawada huruuda daawada mabaasiirta daawada xabeebta daawada suuxdinta daawada xiiqda faaidooyinka huruuda faa'iidooyinka huruuda faaidada babayga faaidada filfisha geedka huruuda geedka mawaha geedka canjeelka geedka quulaha geedka dhamasta gaaska iyo huruuda faa idooyinka huruuda qurxinta huruuda sanjabiilka iyo uurka filfisha iyo uurka nabarada wajiga qasilka wajiga
Image by Steve Buissinne from Pixabay

Huruuda iyo caafimaadka

Huruuda gaar ahaan maadada ku jirta ee loo yaqaano curcumin waxay leedahay faaiidooyin caafimaad oo cilmiyaysan oo badan sida inay ka hortagto cudurada wadnaha ku dhaca iyo kuwa maskaxda ku dhaca iyo waliba cudurka kansarka waayo waxay awood u leedahay kana hortagtaa cudurka kansarka sababtoo ah wuxuu Alle weyne ku abuuray maadaada jidhka sunta ka saarta ee loo yaqaano antioxidants sidoo kale huurda waxay hoos u dhigtaa calaamadaha niyad jabka.

Asalka Huruuda

Huruuda waay asal ahaan ka soo jeedaa dalalka kala ah India, China, Taiwan, Indonesia, Brazil, Peru, Sri lanka, iyo qaybo badan oo kamida qaarada afrika iyo australia, Huruuda in english - huruuda waxaa luuqada english loogu yeedhaa turmeric waxaana eraygan asal ahaantiisu ka soo jeedaa kalmada laatiiniga ah ee terra merrita oo loola jeedo ciid muqadas ah.



Waxtarka huruuda

Huruuda waxtarkeeda wuu badan yahay laakiin sida caanka ah waxaa loo adeegsadaa isqurxinta iyo isku daaweynta iyadoo meesha ka saarta cuduro badan oo bini aadamka ku dhaca isla markaana aduunku xal u waayay maanta.

Faaiidooyinka caafimaad ee huruuda

Akhriso cudurada iyo xanuunada lagu daaweeyo huruuda

Huruuda iyo wajiga : markii laga hadlaayo isqurxinta taariikh ahaan dumarka soomaalida waxay adeegsan jireen huruuda ilaa hadana waxay u adeegsadaan qurxinta wajiga waayo huruuda waxay qofka ka caawisaa soo celinta iftiinak dabiiciga ah iyo daaweynta maqaarka sida wajiga haaraha leh si loo hagaajiyo midabaynta maqaarka iyo wax ka qabashada wajiga madmadowga leh.


Huruuda waxay kaloo qofka wajiga u adeegsanaaya ka caawisaa soo celinta iftiinka dabiiciga ah ee maqaarka sidoo kale marka laga hadlaayo wajiga qalalan huruuda waxay xataa kaa caawin kartaa biyo qabatinka iyo jilicsanaanta maqaarka, sidaa darteed in huruuda wajiga la marsado si loo helo qurux dabiici ah waa mid aduunka oo dhan isku waafaqsan yahay.

Akhriso faaiidoyinka sanjabiisha

Huruuda iyo kansarka :maadada ku jirta huruuda ee loo yaqaano curcumin waxay awood u leedahay inay ka hortagto cudurka kansarka waxay kaloo yaraysaa koritaanka noocyada kala duwan ee cudurka kansarka oo uu ka mid yahay kansarka qanjirka prostate ka sidaa darteed cilmi baadhis la sameeyey sanadkii 2009 oo lagu sameeyey ireland ayaa lagu ogaaday in maadada curcumin ee huruuda ay awood u leedahay inay disho unugyada kansarka.

Akhriso waxtarka filfisha

Huruuda iyo macaanka
: Huruuda waxaa lagu daaweeyaa cudurka sonkorowga waayo waxay isu dheelitirtaa heerka insulinta ee dhiiga waxay kaloo hagaajisaa ama kordhisaa gulukooska.


Huruuda iyo maskaxda : huruuda waxaa kale oo ku jirta maado kale oo qiimo badan oo loo yaqaan Ar-tumerone maadadan waxay leedahay muhiimad gaara waxaana laga helaa huruuda waxayna kor u qaadaa dayactirka unugyada asliga ah ee maskaxda , unugyada asliga ah waxay gacan ka gaystaan ka soo kabashada ka soo kabashada cudurada neerfayaasha ku dhaca sida Stroke iyo cudurka alzheimers.

Akhriso faaiidooyinka xulbada

Huruuda iyo beerka : huruuda waxay kordhisaa dheecaanada wax burburiya ee calyada laga helo "enzymes" kuwaas oo burburiya ama yareeyaa sunta jidhka hadaba beerka ayaa isuguna isla hawshaa qabta si uu u dardar geliyo xadiga dheecaanada enzymes sidaa darteed huruuda waxay gacan ka gaysataa kor u qaadida wareega dhiiga si kor loogu qaado caafimaadka beerka sidaa daraadeed huruuda waxay ka hortagaa in beerka uu dhaawac gaadho.

Akhriso waxtarka dhagayaraha

Huruuda waa dhaawac bogsiiye : taariikhda huruuda waxaa jeermis dile looga soo isticmaali jiray koonfurta qaarada aasiya  tan iyo wakhtiyadii hore sidaa darteed huruuda oo budo ah ayaa waxa lagu dhajin jiray dusha sare ee nabarka ama meel gubatay oo jidhka ka mida sidaa darteed waxay bogsiisaa aaga dhibaatadu gaadhay, huruuda waxay kaloo daryeeshaa maqaarka waxyeeladu soo gaadhay sidaa awgeed waxaa loo isticmaali karaa ku daaweynta cudurka psoriasis iyo cudurada kale ee maqaarka ku dhaca.

Akhriso cuntooyinka lagu caatoobo

Huruuda iyo difaaca jidhka : huruuda waa geed dabiici ah oo xoojiya habka difaaca jirka ee qofka bini aadamka ah waxayna siyaadisaa awooda difaaca jidhka sidaa darteed waxaa lagu taliyaa in qofka hargabka uu hayo inuu xadi yar oo huruuda uu ku darsado cuntada iyo cabitaanka .
Powered by Blogger.