Header Ads

ads header

About Us

Hadafkeena Caafimaad Tips waa inaan akhristayaasheena siino xog caafimaad oo ku salaysan cadayn iyo caafimaad oo kaa caawin doonta daryeelka guud ee jidhkaaga iyo caafimaadkaaga waxyaabaha aan halkan ku qorno waxaa ka mid daawo dhireedka iyo nafaqada, miisaan dhimista iyo guud ahaan caafimaadka waana sababta aan CaafimaadTips ugu magac darnay website kan sidaa darteeed waxaa muhiim ah in qofkasta ogaado in bogan aan ugu talo galnay ujeedo macluumaad oo kaliya laakiin anagu daawo kuuma qorayno kumana daawaynayno balse waa inaad la xiriirtaa dhakhtarkaaga
waxaana wax ku qora Anigoo ah Nacaybtire iyo dhalinyaro kale kala joogta daafaha caalamka


Hadafka Shabakada Caafimaad Tips waa sidii loo heli lahaa cilmi ku filan qofkasta oo soomaaliyeed maxaa yeelay waxaanu aragnay in bulshada soomaalidu si xad dhaaf ah hada u cunaan cuntooyinka dad warshadaysan kuwaas oo cuduro badan ay ka qaadeen ilaa hadana aan laga soo kaban arintaas.

Sidaas darteed waxaan umada soomaaliyeed halkan ugu soo gudbinaynaa cuntooyinka iyo daawo dhireedka dabiiciga ah ee dalkeena iyo dunida ka baxa balse waxtarkooda caafimaad la xaqiijiyay.

Website CaafimaadTips.com waxaad kala soo xidhiidhi kartaa

  • Email: CaafimaadTips@gmail.com
  • Tel: +252-63-4166673 (FG. fadlan email iigu soo dir wixii ku saabsan casharada ka baxa shabakada Caafimaadtips.com )
Xarunta Caafimaadtips.com waa magaalada Hargeisa ee gobolka maroodi jeex ee somaliland



Soo saaraha CaafimaadTips.com

Marka ugu horaysa waxaa mahad oo dhan iska leh Allah oo ii fududeeyey inaan qoraalka shabakada caafimaad tips ku jira gaadhsiiyo daafaha dunida oo dhan, waxa aan Allah ka baryaayaa in mawduucyada iyo qoraalada aan qoray oo dhan uu ka dhigo qoraalo ina anfaca.

Magacaygu waa Nuradiin daahir xasan oo ku magac dheer Nacaybtire (Caafimaad tips) qoraalada bulshada aan la wadaago markii ugu horaysay waxa aan bilaabay sanadkii 2010 balse qoraalada aan qori jiray may ahayn sida kan aad akhrinayso laakiin wuxuu ahaa mid qoraal iyo sawir wada socda taas oo aan uga dan lahaa inaan soo koobo micnaha qoraalada aan ku soo bandhigo internetka si dadka ay u akhrisan karaan una fahmi karaana waxaan adeegsan jiray farsamada loo yaqaan Graphic Design oo ah qurxinta iyo habaynta sawirada iyo qoraalada anigoo caafimaadka xooga saaraya

Waxaa iigu xigtay xiligaas oo aan bilaabay fiidiyayaal kookooban oo aan ku soo bandhigo baraha bulshada haba ugu badnaadeen faceboo iyo youtube oo aan si rasmi ah uga furtay kanaal magaciisa aaan u bixiyay CaafimaadTips  waxaan kanaalkan ku soo gudbin jiray ilaa hadana aan ku soo gudbiyaa fiidiyayaal kookooban oo ka hadlaaya Caafimaad iyo nafaqada.

Sawir laga qaaday shabakada Caafimaad Tips


Waxaa jira meelo kale oo aan maalin kasta ama usbuucii dhawr mar soo galiyo sawiro, qoraalo iyo maqaalo waxaa ka mida barahaas aan isticmaalo baraha bulshada ee InstagramTwitter, Linkedin, Pinterest,iyo boga rasmiga ah ee aan ku leeyahay facebook oo aad ku soo helayso magacayga Nacaybtire.

Ugu dambayntii waxaan aasaasay oo hirgeliyay hawadana soo geliyay website caafimaadtips.com oo aan ugu talo galay in mujtamaca soomaaliyeed ay ka faaiidaystaan iyagoo isticmaalayaa internetka isla markaana kala jooga daafaha dunida, waxaana mudnaan gaar ah leh qofkasta oo Daawo dhireedka, khudaarta iyo caafimaadka jecel isla markaana raba inuu aqoontiisa kor u qaado sidaas daraadeed waxaan u mahad celinaayaa akhristayaasha ku xidhan shabakada Caafimaadtips.com kuwaas oo habeen iyo maalin kasta ka dhigtay wehelkooda rasmiga ah shabakada CaafimaadTips.com, Aniguna waxaan balan qaadaayaa inaan bulshada la wadaago waxyaabo aduunyadoooda iyo aakhiradooda hagaajinaayaa oo wanaaga iyo maslaxada bulshada ka shaqaynaayaa waxaan kalee xasuusnahay in qoraalada aan bogan ku soo daabaco ay yihiin kuwoo la waydiin doono naftayda sidaas daraadeed waxa aan qoraayo waxaan u qoraayaa inaan helno dad iyo dal caafimaad qaba iyo bulsho garaad ahaan dhisan oo aqoontu ay maskaxdooda ceegaagto, hadaba ka faaiidayso oo ku xidhnoow wehelkaagana ha ahaato shabakada CaafimaadTips

Barnaamijyada ka baxa Caafimaadtips.com

Caafimaadka

Shabakada Caafimaadtips waxay balan qaadeen inay idiin soo gudbin doonaan maqaalo caafimaadka khuseeya si kor loogu qaado faya dhawrka guud ee bulshada soomaaliyed

Daawo dhireedka 

Waxaan ognahay in daawo dhireedku maanta yihiin daawooyinka dhabta ah ee qofku ka helaayo caafimaad iyo ladnaan waarta sidaa darteed Shabakada Caafimaadtips.com waxay halkan kuugu soo gudbinaayaan maqaalo xiiso badan oo ku saabsan daawo dhireedka iyo waxtarkooda,

Miisaan dhimis 

Sidoo kale waxaynu oganhay in miisaanka badan uusan caafimaadka u roonayn isla markaan uu yahay dhibaato bulshada hada ku soo badanaysa loona baahan yahay in wax laga qabto sidaas darteed halkan waxaan idiinku soo bandhigaynaa mawduucyo la aan kaga hadlayno habka ugu fudud ee miisaanka lo dhimaayo.


Qaar ka mida maqaalada ka baxay Caafimaadtips.com

1. Faaiidooyinka caafimaad ee xulbada 
2. Faaiidooyinka caafimaad ee sanjabiisha
3. Faaiidooyinka iyo waxtarka caafimaad ee toonta
4. Faaiidooyinka caafimaad ee malabka
5. Faaiidooyinka caafimaad ee kamsar caleenta
6. Waxtarka iyo nafaqooyinka ukunta ama beedka
7. 10 waxyaabood oo farxada dhaawaca
8. Faaiidooyinka geedka dhagayaraha
9. Faaiidooyinka caafimaad ee misirka
10.Waxtarka midhaha saytuunka
Powered by Blogger.